Behöver du hjälp eller har du frågor?

Många hittar svaret bland vanliga frågor eller hitta rätt A till Ö. Du kan också ringa kundtjänst eller skicka ett meddelande.

Ring oss vardagar 8-17

0771-88 00 99

Kortast kö innan 11 och efter 13.

Avvikande öppettider

Skicka post

Afa Försäkring

106 27 Stockholm

Vårt kontor

Klara Södra kyrkogata 18

Stockholm  Visa karta

Man som pratar i telefon

Försäkringar

  • Alla våra försäkringar
  • Så anmäler du till oss
  • Mina sidor för privatpersoner
  • E-tjänster för arbetsgivare
  • Handbok för försäkringsinformatörer
  • Other languages

Förebygga ohälsa och arbetsskador

  • Statistik och analys
  • Forskning och utveckling
  • IA-systemet
  • Rehabiliteringsstöd
  • Stöd för arbetsmiljöutbildning

Kundtjänst

  • Kontakta kundtjänst
  • Vanliga frågor och svar
  • Guider och instruktioner
  • Om du inte är nöjd
  • Sök bland våra filer
  • Hitta rätt A till Ö

Om oss

  • Om Afa Försäkring
  • Hållbarhet
  • Afa Fastigheter
  • Kapitalförvaltning
  • Pressrum
  • Jobba hos oss
  • In English
  • Alla våra försäkringar
  • Så anmäler du till oss
  • Mina sidor för privatpersoner
  • E-tjänster för arbetsgivare
  • Handbok för försäkringsinformatörer
  • Other languages
  • Statistik och analys
  • Forskning och utveckling
  • IA-systemet
  • Rehabiliteringsstöd
  • Stöd för arbetsmiljöutbildning
  • Kontakta kundtjänst
  • Vanliga frågor och svar
  • Guider och instruktioner
  • Om du inte är nöjd
  • Sök bland våra filer
  • Hitta rätt A till Ö
  • Om Afa Försäkring
  • Hållbarhet
  • Afa Fastigheter
  • Kapitalförvaltning
  • Pressrum
  • Jobba hos oss
  • In English
Afa Försäkring - Gå till startsidan
  • Så behandlar vi personuppgifter
  • Om webbplatsen
  • Webbplatskarta

Afa För­säkring gör vardagen tryggare i arbetslivet. Våra försäk­ringar är en del av kollektivavtalen och ger ekonomiskt stöd vid sjukdom, arbetsskada, arbetsbrist, dödsfall och föräldraledighet. Vi finansierar forskning och stödjer insatser som förebygger arbets­skador och sjukfrånvaro. På så vis bidrar vi till ett hållbart arbetsliv. Afa För­säkring ägs av Svenskt Näringsliv, LO och PTK.

© 2025 Afa För­säkring
Organisations­nummer 502033-0642
Juridisk information

Följ oss

Gå till huvudinnehåll
Afa Försäkring - Gå till startsidan
  • Start
  • Försäkring
  • Förebygga ohälsa och arbetsskador
  • Kundtjänst
  • Om oss
  • Mina sidor för privatpersonerAnmäl och ansök om ersättning. Följ och komplettera ditt ärende.
  • E-tjänster för arbetsgivareAdministrera dina ärenden på arbetsgivarsidorna.
  1. Försäkring
  2. Other languages
  3. Somaliska

Caymiska shaqada

Miyuu shaqo-bixiyahaagu leeyahay heshiiska shaqada ee wadajirka ee kollektiv­avtal (waa heshiis u dhexeeya ururka shaqaalaha iyo ururka shaqo-bixiyayaasha) markaas ayuu caymiska heshiiska shaqadu si toos ah kuugu daboolaya iyadoo shaqaalayntaada la soo maraayo, taas oo ama anaga oo Afa För­säkring ah ama shirkad kale oo caymis ah lala leeyahay.

Waxa ay caymisyadayadu bixin karaan gunno

  • haddii aad xanuunsato

  • haddii aad shaqada ku dhaawacanto

  • haddii shaqada lagaa eryo

  • haddii aad dhimato

  • haddii aad fasaxa waalidka gasho.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

9 ka mid ah 10-kii qof ee shaqaale ka ah Iswiidhan ayaa ugu yaraan shaqada ku leh hal caymis oo anaga Afa För­säkring la nala galay. Waxa jirta fursad aad u weyn oo ah inaad kuwaas ka mid tahay. Caymiska khuseeya goobtaada shaqada ee gaarka ah waxay ku xidhan tahay heshiisyada caymis ee aad leedihiin. Weydii shaqo-bixiyahaagu ama ururka shaqada.

Shaqaale ama sarkaal/shaqaale mushahar qaata?

Shirkado badan oo kuwa gaarka loo leeyahay ah, ayaa lagaaga shaqaaleysiin karaa shaqaale ahaan ama sarkaal/shaqaale mushahar qaata, taasoo ku xidhan waxaad qabato. Shaqaalaha iyo sarkaal/shaqaale mushahar qaata ayaa yeelan kara caymisyo kala duwan. Weydii shaqo-bixiyahaaga ama ururka shaqada haddii aanad ogeyn inaad ku shaqaaleysan tahay shaqaale ama sarkaal/shaqaale mushahar qaata.

Heshiiska wadajirka ee caymisyada

Halkan ayaad ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo caymis kasta ku khuseeya iyo sida aad u sameyn karto diiwaangalinta iyo sida gunnada loo codsado

Caymiska jirrada (AGS, AGS-KL) waxa uu khuseeyaa haddii aad xanuunsato. Waxa ay kaabaysaa gunnada aad Försäkrings­kassan ka helayso.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

Caymiska jirrada ayaad leedahay haddii aad tahay shaqaale ka shaqeeya shirkada gaar loo leeyahay ama shirkad iskaashato ah, ama haddii aad tahay shaqaale degmooyinka iyo gobolada.

Goorma ayaad guno caymiska ka dalban kartaa?

Waxaad caymis gunno dalban kartaa marka aad

  • shaqaynaysay 90 maalmood ama wax ka badan

  • leedahay dakhliga lagu saleeyo lacagta jirrada (sjuk­penning­grundande inkomst ama SGI) ee Försäkrings­kassan

  • wax gunno ah ka helayso Försäkrings­kassan.

Tusaale ka mid ah gunadda laga helo Försäkrings­kassan:

  • Gunnadda jirrada

  • Gunnada baxnaaninta

  • Gunnada la siiyo dadka cudurada faafa qaba

  • Mushaharka jirrada

  • Gunnada Aktivitetsersättning

Ma waxaad ka shaqeysaa shirkad gaar loo leeyahay?

Haddii aad xanuun ku qoran tahay in ka badan 14 maalmood, waa inaad Afa För­säkring iska diiwaangalisaa.

Ma degmo ama gobol ayaad u shaqeysaa?

Haddii aad jiro ku qoran tahay in ka badan 90 maalmood, waa inaad Afa För­säkring iska diiwaangalisaa.

Sidan ayaad isku diiwaangalinaysaa

Waxaad soo galaysaa oo aad iska diiwaangelisaa Mina sidor ee bogga internetka ee Afa För­säkring adigoo BankID isticmaalaaya.

Haddii aanad BankID haysan ayaad buuxinaysaa foom aad u soo direyso Afa För­säkring, 106 27 Stockholm. Foomamka diiwaangelinta oo Iswiidish ku qoran. Hel foomamka diiwaangelinta.

Waxaad si aad isku diiwaangeliso u baahan tahay:

  • BankID aad adigu leedahay

  • macluumaadka ku saabsan shaqo-bixiyehaaga: magaca shirkadda ama lambarka ururka iyo lambarka telefoonka

  • dakhligaaga ku salaysan lacagta jirrada (SGI) ama dakhliga sanadka

  • taariikhda aad jirrada soo wargelisay shaqo-bixiyehaaga

  • warqada dhakhtarka taas oo muujineysa cudurka lagaa helay, waxa loola jeedaa sababta fasaxa jirrada keentay.

Maxaa dhacaaya marka aad codsigaaga diiwaangelin soo dirtay?

Marka aanu diiwaangalintaada helno ayaanu ku bilaabi doonaa:

  • inaanu shaqo-bixiyahaaga weydiino inay xaqiijiyaan shaqadaada

  • aanu Försäkrings­kassan weydiino inay xaqiijiso inay lacagta jirrada ku siinayso.

Marka aanu jawaab ka helno shaqo-bixiyahaagaiyo Försäkrings­kassan, ayaanu bilaabi doonaa maareynta kiiskaaga. Haddii aanu macluumaad dheeraad ah kiiskaaga uga baahanahay, ayaan kula soo xidhiidhi doonaa.

Marka aan dhammeyno ayaad heli doonataa macluumaad ku saabsan haddii aad heli karto gunno iyo inta ay la eg tahay. Waxaad macluumaad ku saabsan go'aanka ka heli doontaa bogga Mina sidor iyo warqad laguu soo diri doono

Diiwaangalinta

Ku soo gal BankID-ga.

Soo wargeli oo dalbo magdhow.

Caymiska dhaawaca shaqada (TFA, TFA-KL, PSA) waxa uu khuseeyaa maalinta ugu horeysa ee lagu shaqaaleysiiyey. Waxa u caymisku gunno ku siin karaa haddii uu shil kugu dhaco shaqada dhexdeeda, haddii shil kugu dhacao inta aad u sii safrayo ama ka soo safrayso shaqada ama haddii aad shaqada cudur ka qaado. Dhammaan saddexdan waxa loo yaqaanaa dhaawacyada shaqada.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

9 ka mid 10-kii qof ee ka shaqeeya Iswiidhan waxay nala leeyihiin caymis marka dhaawax shaqada ka soo gaadho, markaas waxa jirta fursad aad u weyn oo inaad ka mid tahay kuwaas ah.

Goorma ayaad gunno caymiska ka dalban kartaa?

Waxaad gunno dalban kartaa haddii aad

  • shaqada ku dhaawacanto

  • ku dhaawacanto markaad ku sii socoto ama ka soo socoto shaqada

  • shaqada xanuun ka qaado

  • aad la kulanto hanjabaad, dagaal ama dhac.

Sidan ayaad u diiwaangalinaysaa

Waxaad soo galaysaa oo aad iska diiwaangelinaysaa bogga Mina sidor ee Afa För­säkring adigoo isticmaalaaya BankID.6 27 Stockholm. Foomamka diiwaangelinta waxay ku qoran yihiinafka Iswiidishka. Soo hel foomamka diiwaangelinta.

Waxaad si aad ugu diiwaangeliso u baahan tahay:

  • BankID aad adigu leedahay

  • macluumaadka ku saabsan shaqo-bixiyehaaga: magaca shirkadda ama lambarka ururka iyo lambarka telefoonka

  • dakhligaaga ku salaysan lacagta jirrada (SGI) ama dakhliga sanadka

  • haddii aad fasaxa jirrada ku jirtay: taariikhda aad jirrada soo wargelisay shaqo bixiyehaaga

  • warqada dhakhtarka.

Maxaa dhacaaya marka aad soo dirtay codsigaaga diiwaangelin?

Marka aanu diiwaangalintaada helno ayaanu ku bilaabi doonaa:

  • inaanu shaqo-bixiyahaaga weydiino inay xaqiijiyaan shaqadaada

  • weydiino Försäkrings­kassan haddii ay ku siinayso lacagta jirrada.

Marka aanu jawaab ka helno shaqo-bixiyehaaga iyo Försäkrings­kassan, ayaanu bilaabi doonaa maareynta kiiskaaga. Haddii aanu macluumaad dheeraad ah kiiskaaga uga baahanahay, ayaan kula soo xidhiidhi doonaa.

Marka aan dhammeyno ayaad heli doontaa macluumaad ku saabsan haddii aad heli karto gunno iyo inta ay leegtahay. Waxaad macluumaad ku saabsan go'aanka ka heli doontaa bogga Mina sidor iyo warqad laguu soo diri doono

Diiwaangalinta

Ku soo gal BankID-ga. Haddii aanad BankID haysan ayaad buuxinaysaa foom aad u soo direyso Afa För­säkring, 106 27 Stockholm

Soo wargeli oo dalbo magdhow.

Caymiska lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista (För­säkring vid avgångs­bidrag ama AGB) waxa uu khuseeyaa qofka 40 - 64 sano. Caymiska waxa uu ku siinayaa magdhow haddii shaqada lagaa eryo shaqada oo yaraatay darteed. Xaaladaha qaarkood xitaa haddii lagugu eryay jirro awgeed, ama marka aad shaqo waqti go'an leh dhammayso.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

Caymiska marka aanay shaqo jirin ayaad shaqaale ahaan haysataa markaad tahay qof ka shaqeeya shirkad gaar ah.

Goorma ayaad gunno caymiska ka dalban kartaa?

Waxaad guno dalban kartaa haddii shaqada lagaa eryo shaqo la'aan darteed markaad haysato shaqo joogto ah, shaqo waqti go'an ah ama jirro awgeed. Si aad guno u hesho waxa loo baahan yahay:

  • inaad 40 sano jir buuxisay

  • inaad ugu yaraan 50 bilood shaqo haysatay shantii sano ee la soo dhaafay.

Maxaa dhacaaya marka aad diiwaangalintaada soo dirto?

Kaaliye ayaa eegaaya diiwaangalintaada. Haddii aanu macluumaad dheeraad ah u baahan nahay ayaan kula soo xidhiidhi doonaa.

Marka aan dhammeyno ayaad heli doonataa macluumaad ku saabsan haddii aad heli karto gunno iyo intay le eg tahay. Waxaad macluumaad ku saabsan go'aanka ka heli doontaa warqad laguu soo diri doono.

Diiwaangalinta

Adiga iyo shaqo-bixiyehaaga ayaa si wada jir ah uga diiwaangalinaaya foomka aad ka buuxin kartaan halkan bogga internetka. Daabac foomka una soo dir Afa För­säkring, 106 27 Stockholm.

Foomamka diiwaangelinta oo Iswiidish ku qoran.

La soo deg foomka diiwaangelinta.

Tjänste­grupp­liv­försäkring (TGL) waxay bixinaysaa guno bilaa canshuur ah oo la siinaayo dadka aad ka tagto haddii aad dhimato 66 jir ka hor. Waxa jira qaddarka ugu hoooseeya, gunnada carruurta iyo kaalmada aaska.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

Caymiska haddii aad dhimato ayaad leedahay haddii aad tahay shaqaale ka shaqeeya shirkada gaar loo leeyahay ama shirkad iskaashato ah.

Waa ayo cidda guno caymiska ka dalban kartaa?

Mid ka mid ah qaraabadaada ayaa guno codsan karta:

  • ninkaaga

  • naagtaada

  • lammaane diiwaangashan

  • qofka aad wada nooshiin

  • carruurta

Maxaa dhacaya marka diiwaangelintu noo timaado?

Kaaliye ayaa eegaaya diiwaangalintaada. Haddii aanu macluumaad dheeraad ah u baahan nahay ayaan la soo xidhiidhi doonaa cidda diinwangalinta sameysay.

Markaanu dhammeyno, ayaa qofka qaraabada ahi heli doonaa macluumaad ku saabsan inta ay leegtahay gunnada aanu bixinaynaa. Macluumaad ku saabsan go'aanka ayaa warqad laguugu soo dir doontaa.

Diiwaangalinta

Diiwaangalinta ayaa lagu sameynayaa foom laga buuxinaayo halkan bogga internetka. Daabac foomka una soo dir Afa För­säkring, 106 27 Stockholm. Qofka qaraabada u ah iyo shaqobixiyaha qofka dhintay ayaa foomka saxeexaaya.

Markasta soo dir warqadda dhimashada oo leh taariikhda qoyska, taas oo laga dalbado Skatteverket (Hay'adda canshuuraha).

Foomamka diiwaangelinta oo Iswiidish ku qoran.

La soo deg foomka diiwaangelinta.

Lacagta kaabista waalidka (Föräldra­penning­tillägg ama FPT)) ayaa gunno ku siin karta marka aad fasaxa waalidka ku jirto ee aad lacagta waalidka ka qaadanayso Försäkrings­kassan.

Sidee ayaan ku ogaan karaa in aan caymis leeyahay?

Lacagta kaabista waalidka ayaad leedahay haddii aad tahay shaqaale ka shaqeeya shirkada gaar loo leeyahay ama shirkad iskaashato ah.

Goorma ayaad gunno caymiska ka heli kartaa?

Waxaad gunno heli kartaa haddii aad ugu yaraan 12 bilood shaqaale aheyd. Markaa ayaad heli kartaa lacagta kaabista waalidka ilaa 60 maalmood. Haddii aad shaqaynaysay 24 bilood ama ka badan, ayaad lacagta kaabista waalidka heli kartaa kabka ilaa 180 maalmood.

Sidan ayaad u diiwaangalinaysaa

Waxaad soo galaysaa oo aad iska diiwaan elisaa bogga Mina sidor ee Afa För­säkring adigoo BankID isticmaalaaya.

Waxaad si aad ugu diiwaangeliso u baahan tahay:

  • BankID aad adigu leedahay

  • magaca shirkadda ama lambarka ururka iyo lambarka telefoonka

  • dakhligaaga ku salaysan lacagta jirrada (SGI) ama dakhliga sanadka

  • taariikhda wakhtiga aad lacagta waalidka maalmaha ugu badan ka qaadanayso Försäkrings­kassan.

Haddii aanad BankID haysan waxaad u baahan tahay inaad soo wacdo adeegga macaamiisha oo aad ka diiwangaliso. Telefoonka 0771-88 00 99, maalmaha shaqada 8-5.

Maxaa dhacaya marka diiwaangelintu noo timaado?

Marka aanu diiwaangalintaada helno ayaanu ku bilaabi doonaa inaanu sanquuqa caymiska -Försäkrings­kassan weydiino haddii ay lacagta waalidka ku siinayaan. Kadib marka aanu jawaab ka helnay ayaanu bilaabi doonaa maareynta kiiskaaga. Haddii aanu macluumaad dheeraad ah kiiskaaga uga baahanahay, ayaan kula soo xidhiidhi doonaa.

Marka aan dhammeyno ayaad heli doontaa macluumaad ku saabsan haddii aad heli karto gunno iyo inta ay leegtahay. Waxaad macluumaad ku saabsan go'aanka ka heli doontaa bogga Mina sidor iyo warqad laguu soo diri doono

Diiwaangalinta

Ku soo gal BankID-ga.

Soo wargeli oo dalbo magdhow.

Hawlgabka shaqadu waa qaybta uu lacagta hawlgabka bixiyo shaqo-bixiyahaagu. Marka uu shaqo-bixiyahaagu mushahar bixiyo ama mushaharka jirrada, ayay sidoo kale ku bixinayaan hawlgabka shaqada ee mustaqbalka.

Marka aad shaqada ka maqan tahay, ayaanu shaqo-bixiyahaagu bixineynin khidmad ama kharash hawlgabkaaga shaqada. Markaas ayuu jiraa caymis taast beddelkeeda sameeya.

Caymiska khidmada laga dhaafay

Cayamsiska khidmada laga dhaafay ayaad leedahay haddii aad tahay shaqaale ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay ama shirkad iskaashato ah.

Diiwaaangalinta caymiska khidmada laga dhaafay waxa uu dhacaysaa isla wakhtiga aad iska diiwaangeliso caymiskayaga caafimaadka (AGS), caymiska dhaawaca shaqada (TFA) ama kaabista lacagta waalidka (FPT). Markaas ayaanu soo eegi doonaa inaad sidoo kale xaq u leedahay in lacag bixinta hawlgabkaaga shaqada la sameeyo.

Waxaad lacag bixinta hawlgabka shaqada xaq u yeelan kartaa xitaa haddii aanad xaq u lahayn kaabista lacagta waalidka. Sidaa darteed, soo dir dlabkaaga kaabista lacagta waalidka xiitaa haddii aanad muddo ku filan shaqayn si aad gunnada u hesho.

Markaad guno jirrada, dhaawac shaqada ama fasaxa waalidka dalbanayso ayay sidoo kale tahay ogeysiin toos loogu sameynaayo Caymiska khidmada laga dhaafay. Markaas uma baahnid inaad ogeysiis gooni ah sameyso.

Caymiska Kharashka laga dhaafay

Caymiska kharashka laga dhaafay waxa uu khuseeyaa qofka ka shaqeeya degmooyinka, gobollada, kaniisadda Iswiidhan ama shirkadaha degmooyinka.

Haddii aad qaadato gunnada jirrada, gunnada hawlqabadka ama gunnada dhaawaca shaqada ee Försäkrings­kassan laga helo, ayay Afa För­säkring bixinaysa kharashka hawlgabka shaqada, halkii uu taas beddelkii shaqo-bixiyahaagu ka sameyn lahaa.

Uma baahnid inaad diiwaangeliso caymiska khidmada laga dhaafay. Markaad guno jirrada ama dhaawac shaqada dalbanayso ayay sidoo kale tahay ogeysiin toos ah oo caymiska u tagaaya.